Kulanka Mucaaradka & Wakiilada Beesha Caalamka

Somalia news

Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Somalia ayaa wada hadal khadka fogaan aragga ee Zoom-ka la yeeshay habeenimadii Musharaxiinta Madaxweynaha oo maalmihii ugu dambeeyey shirar ku lahaa caasimada Somalia ee magaalada Muqdisho…

Kulankaan Musharixiintii ka qaybgalay shirka muuqaalka ah ayaa beesha caalamka u soo bandhigay sida ay uga walaacsan yihiin Guddiyada doorashada Ee Somalia, gaar ahaan faragelin ay sheegeen inay ku waddo Maamulka Farmaajo Ee hadda talada haysa ee Somalia.

Waxay kaloo sheegeen inay ka cabsi qabaan gacan ka hadal inuu yimaado, taasna laga baaqsado, Sidoo kalana aysan aqbali karin in Nabadsugida lagu daro Guddiyada doorashada arrintaasna ay Farmaajo iyo Fahad kala hadleen.

Waxaa shirka waxaa horay loogu casumey guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Somalia, Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, Ururada bulshada Rayidka ah iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo aragtiyo kala geddisan ku biiriyey.

74680cookie-checkKulanka Mucaaradka & Wakiilada Beesha Caalamka