Maxaa ka Run ah in Shaqaalaha Diyaaradii UN-ka u Kireysneyd oo muddo Saacad ah Sugaayeen Gurmad…

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa xaqiijinaaya in Shaqaalihii la socday Diyaarad Helicopter ah oo Qaramada Midoobay u kireysneyd kuna degtay Degaan u dhow Xindheera, ayaa muddo saacada ah sugayay in la soo badbaadiyo ka hor inta aan la afduubin, laba sarkaal oo ka tirsan laamaha ammaanka ee Muqdisho ayaa sheegay in su’aasha la is weydiinayo ay tahay in jawaab degdeg ah laga bixiyo in la qabto.

Diyaaradda Helicopter-ka ee Qaramada Midoobay oo u socotay inay Askar dhaawac ah ka daadgureyso magaalada Wisil, markii cilad farsamo ay ku qasabtay iney degto Arbacadii tagtay. Sagaal qof ayaa la socday oo kala ahaa 4-Shaqaale oo Ukrain u dhashay, labo kalkaaliye Kenyan ah, Masaari u shaqeyneysay Qandaraasle bixiya qiimeyn Caafimaad oo degdeg ah, dhakhtar milateri oo Soomaali ah iyo sarkaal ka tirsan ilaalinta Uganda.

Dhamaan Dadkii saarnaa Diyaarada waa la la’yahay, waxaana loo malaynayaa in mid ka mid ah uu dhintay kadib markii ay diyaarada helicopter-ka ah ku soo dhacday Degaan ay ku xoogan yihiin kooxaha Argagixisada Shabaabka. Kooxdan xagjirka ah ayaa dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, si ay ugu soo rogaan sharci adag oo shareecada Islaamka ah, iyadoo lagu fulinayo ciqaabo ay ka mid yihiin dhagxaan, gorgo’yn iyo karbaash Dadweyne.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Diyaarad kale oo Helicopter oo Aaga ka dhoweyd, muddo saacad ah Amar ka sugeysay Saraakiisha UN-ka ee Somalia balse nasiib darro lama bixin amarka gurmadka, Diyaarada ayaa shidaal ka qaadatay Magaalada B/weyne markii ay fhex mareysay ayaa cilad ku timid Marwaxada Diyaarada, Iyadoo Duuliyaha Diyaarada uu Go’aansaday inuu dejiyo Diyaarada di looga hortago burbur.

300920cookie-checkMaxaa ka Run ah in Shaqaalaha Diyaaradii UN-ka u Kireysneyd oo muddo Saacad ah Sugaayeen Gurmad…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com