Hogaanka Villa Somalia Oo Dalbaday Fududeyn Wada Hadalo lagu Joojinaayo Dagaalka Laas Caanood..

Somalia news

Hogaanka Villa Somalia ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Sool, wuxuuna kala hadlay sidii loo joojin karo Dagaalka mudada Bilooyinka ah ka socda halkaasi una dhaxeeya Dadka Drgaanka iyo Xoogaga Muuse Biixi…

Wararka ayaa sheegay inuu ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aadan sida xal waara loogu heli karo dhiiga ka daadanaaya Degmada Laas caanood, inkastoo ay adag tahay in Maamulka Hargeysa iney u dhego nuglaadaan sidii looga hirgelin lahaa Degaanadaasi Xabad joojin.

Odayaasha ayaa soo bandhigay aragtidooda ku aadan xaalada taagan, caqabadaha jira iyo dhibaatada nololeed ee ka dhashay colaada ee Dadka Degaanka iyo duqeymaha aan loo meel dayin, waxeyna sheegeen in Xoogaga degaanku ay difaacayaan Dadkooda iyo Hantidooda.

Martiqaadkaan ayaa ku soo beegmay kadib markii Maamulka Puntland uu ku eedeeyay Hogaanka Dowladda Federaalka iney qeyb ka yihiin colaada iska markaasna ay ka gaabiyeen iney joojiyaan xasuuqa ay wada Maleeshiyo beeleedka Maamulka Hargeysa, kuwaasoo muddo duqeymo ku burburinaaya Isbitaalada, goobaha Cibaadada, Dugsiyada iyo Guryaha.

258260cookie-checkHogaanka Villa Somalia Oo Dalbaday Fududeyn Wada Hadalo lagu Joojinaayo Dagaalka Laas Caanood..