Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dowladda Federaalka Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo Ugaaska Beesha Xawaadle, iyagoo uu ku Eedeeyay iney Mas’uul ka yihiin xiisadaha ka taagan Magaalada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan…
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mr.Goodax Barre oo Wareysi siiyay Warbaahinta gudaha ayaa weerar afka ku qaaday Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Guudlaawe, “Waa nin jecel inuu qabiil ka shaqeeyo waa nin isir naceyb ku jiro mana xamanaayo hortiis ka iri, dhaqankiisa reer miyiga ayuu wataa”
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ugaaska Beesha Xawaadle waa kaas waa aamusiyeen waxaa la sheegayay isagoo meelahaas iska fadhiyo oo war wareegayay oo Jaad cunaayo, Hargeysa inuu u socdo ayaa maqlayay”.