Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Degaanka Cowsweyne ee Degmada Ceeldheer…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degaanka Cawsweyne (Osweyn) dagaalkaaan ayaa daba socday Weerar subaxnimadii hore ee saaka kooxda Shabaabka ku qaadeen Ciidamada Dowladda kaasoo shaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac..

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka ay adeegsadeen in ka badan hal Gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigay weerar ay Ciidamada lugta ku qaadeen, Kooxda Shabaabka ayaa sheegtay iney “la wareegeen” xerada ku meel gaarka ah ee Ciidamada Dowladda balse ma jirto ilaa hadda war madax banaan oo xaqiijinaya.

Ciidamada dowladda ayaa qabsaday degaanka Cawsweyne Talaadadii, balse waxaa la rumeysan yahay in ciidamadu ay isku xoojiyeen xeradooda ka hor inta aysan u dhaqaaqin bartilmaameedkii ay damacsanaayeen ee Galhareeri, Weerarkan ayaa u muuqan lahaa in markii maleeshiyada ay faarujiyeen Cawsweyne Talaadadii ay ku nagaadeen agagaaraha ku hareereysan weerarkan rogaal celiska ah.

274150cookie-checkDagaal Xoogan oo ka Dhacay Degaanka Cowsweyne ee Degmada Ceeldheer…