Qorshaha Dalka Egypt Ka Damacsan tahay Somalia

Somalia news

December 6, wafdi diblomaasiyayeed oo reer Masar ah uuna hogaaminayey Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada dalkaas ee Arimaha Afrika, Mr.Sherif Issa, ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho xilli Qaahira ay qaadeyso talaabooyin ay kor ugu qaadayso joogitaankeeda Afrika….

Wafdiga Masar waxay booqashadooda ku bilaabeen kulan ay laqaateen Wasiirka Arimaha Dibada Mr.Maxamed C/risaaq si ay ugala hadlaan “horumarka kajira Somalia, xaalada gobolka ee wadamada deriska ah iyo saameynta ay ku yeelan karto xasiloonida iyo ammaanka Geeska Afrika, iyo waliba qaababka lagu hormarin karo xiriirka laba geesoodka laba dal,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Cabdirisaaq ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Waxaan ka wada hadalnay xiriirka labada dal. [Somalia] iyo [Masar] waxay wadaagaan saaxiibtinimo iyo xiriir walaaltinimo oo adag. Waxaan rabnaa inaan sii xoojino xiriirkeena”.

December 7, waftigii Masar waxay ka qayb galeen furitaankii shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo lagu qabtay Muqdisho.

Rokha Hassan, xubin ka ah Golaha Arimaha Dibadda ee Masar, ayaa u sheegtay Al-Monitor in booqashada ay ka tarjumeyso rabitaanka Masar ee ah inay sare u qaado xiriirka ay la leedahay Somalia, maadaama labada dal ay wadaagaan xiriir wanaagsan oo taariikhi ah oo soo jiray ka hor xoriyadii Soomaaliya sanadkii 1960.

“Qaahira sidoo kale waxay Somalia u dhistay iskuulo, iyadoo u ku kaalneysay Khibiiro Waxbarasho (Macalliniin) oo aqoontooda ku taakuleeyay,” ayuu raaciyay.

Wuxu ku daray: “Laakiin markii dagaalkii sokeeye ee Somalia uu sii kululaaday bilowgii 1990-kii iyo xasillooni-darradii halkaas ka jirtay, xiriirkii labada dal wuxuu ahaa mid is-mari-waa ku yimid, waxaana la weeraray Safaaradda Masar, oo ay wehliyaan safaarado kale oo ajnabi ah. Xarunta ugu weyn ee safiirka Masar waxaa loo raray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si amaankiisa loo sugo. Xiriirkooduna wuu is bedbedalayay tan iyo markaas, ”ayuu yiri Xasan.

Booqashada waftiga Masaarida ayaa imaanaysa bilo kadib markii xiisada ay ka dhalatay talaabo ay Muqdisho albaabada isugu dhufatay xafiisyadii waxbarasho ee Masar ee Somalia bishii May iyadoo Qaahira lagu eedeeyay “la shaqaynta Puntland kana weecatay Dowladda federaalka ee Muqdisho”.

79620cookie-checkQorshaha Dalka Egypt Ka Damacsan tahay Somalia