Agaasimaha Sirdoonka Dalka Oo Safar Qarsoodi ah ku jooga USA…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Safar Qarsoodi ah uu Agaasimaha NISA ku tagay Dalka Mareykanka sida ay ilo warwedyo loo qaateen ah tilamaameen, wuxuuna kulamo la yeeshay Saraakiisha Wasaarada Gashadhiga iyo Kuwa Amaanka…

Xogtaan ayaa Sheegtay in Agaasimaha NISA oo ay wehliyaan tiro Saraakiil ka tirsan Hey’adda, ayaa safarkaan shaqo waxey diirada ku saari doonaan sidii Iskaashi dhinacyada Amaanka, Baarista, Xuuraanka iyo la-dagaalanka kooxda Argagixisada ula yeelan lahaayeen Qeybaha Wasaaradda Gashadhigga, CIA, FBI iyo kuwa kale.

Safarkaan ayaa ku soo hagaagay xilli Diyaaradaha Drones-ka ee USA wy duqeyn ka geysteen Magaalada Jilib oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha Kooxda Shababka,, qoraal ay saareen Taliska Africom ayeey ku sheegeen inuusan jirin waxyeelo ka soo gaartay Duqeyntaasi Dadka Rayidka ah.

257160cookie-checkAgaasimaha Sirdoonka Dalka Oo Safar Qarsoodi ah ku jooga USA…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com