Ciidamo ka tirsan dowladda oo isugu jira Nabadsugid, Boliis iyo Xoogga Dalka oo xalay dhaqdhaqaaqyo ka waday xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ayaa qorsheynayay inay weeraraan saraakiisha ciidankii shalay dagaalamay, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo….
Hase ahaatee Xoogagii dagaalamayay ayaa isku aag noqday, markii ay ka war heleen in lagu soo socdo, waxeyna dib ugu gurteen dhanka duleedka bari ee magaalada Muqdisho, halkaasoo Ciidamo kale ay ku sugan yihiin aan ka amar qaadan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.
Ciidamadaan oo xalay hareereeyay qeybo ka mid ah xaafadaha Kaaraan ayaa dib isaga soo laabtay, markii ay u suura geli weyday isku daygii la doonayay in lagu soo xiro Saraakiishii ciidamadii dagaalamay.
Waxaan la saadaalin karin xaaladaha xiga, maadaama aan la ogeyn in waxa ka dhalan kara qorshaha fashilmay iyo saraakiishii oo xeelad dagaal duuleedka magaalada u baxsaday.