Xildhibaanad Kenya U Dhalatay Oo Ilaaladii Laga Qaaday

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee laga helaayo Magaalada Gaarisa Ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya Ayaa sheegaya in Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Dalkaasi oo laga soo doorto Garissa ayaa lagu Eedeeyay Khiyaano Qaran, waxaana laga qaaday Ilaaladii Gaarka u ahaa…

Xildhibaanad Canab ayaa ku eedeysay Saraakiisha Amaanka iney gurigeeda oo ku yaala Degmada Gaariisa tageen isla markaasna ay nafteeda halis geliyeen, kadibna ka qaadeen Ilaaladii amaankeeda sugi jirtay.

“Ilaaladii ayaa galabta layga qaaday, oo waxaa dib loogu yeeray sababo aan la caddeyn. Saraakiil Boliis ayaa sidoo kale lagu arkay agagaarka gurigeyga. Xitaa haddii aad iga qaadeen ilaalada, Allah ayaa iga ilaalin doono waxyeelo kasta,” ayey Canab ku tiri qoraal ay maanta soo dhigtay facebook.

Iyadoo ka hadleysay sawirka muranka abuuray, ayey Xildhibaanad Canab sheegtay inuu ahaa mid sanadii 2018, bishii Ramadan, lagu qaaday safaaradda Somalia ee Kenya, xilligaasi oo uusan jirin khilaaf u dhaxeeyey Somalia iyo Kenya, waxeyna ku eedeysay Madaxtooyada Kenya iney ka dambeeyaan cabsi gelinta iyo Caburinta lagu hayo.

80270cookie-checkXildhibaanad Kenya U Dhalatay Oo Ilaaladii Laga Qaaday