Is-Rasaaseyn Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn u dhaxeysa Ciidamo qaab Beeleed u abaabulan oo ka Dhacay Duleedka Degmada Kaaraan, waxaa la sheegay inuu soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac…

Ilaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, kaddib dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo hab beeleed u abaabulan oo ku dhex maray xaafado ka tirsan degmada Kaaraan.

Dagaalkan ayaa salka ku hayay muran dhuleed u dhaxeeyay Saraakiil ciidan, dhulka la isku hayay ayaa ku yaalla agagaarka Mirinaayada iyo Kawaan Bari.

Dagaalkan oo saacado badan qaatay ayaa muujinaya sida dowladdu aanay awood ugu laheyn xakameynta qabaa’illada hubeysan ee Muqdisho, iyadoo waliba lagu jiro xaalad kala guur ah oo jahawareer siyaasadeed uu dalku ka jiro.

80210cookie-checkIs-Rasaaseyn Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdishu