Tahriibayaal Afrikaan Ah Oo Ruwanda Laga Dejiyay

Somalia news

Caasimadda Kigali Dalka Ruwanda ayaa waxaa laga dejiyay 130-qof oo Tahriib u tagay Dalka Liibiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika, waxaana lagu heshiisay in dadkaan la geeyo Magaalada Kigali oo Caasimad u ah dalkaas….

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa go’aamisay in dadkaan laga dejiyo Caasimadda Kigali si halkaas loogu hayo, maadaama dhibaatooyin kala duwan ay la kulmeen inta ay joogeen gudaha Liibiya.

Ujeedka Tahriibayaasha ay u tageen Waqooyiga Afrika in ay ka gudbaan Badda Mediteeranean-ka si ay u galaan Qaaradda Yurub oo ay u arkaan in ay ku heli karaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda.

Wasaaradda Qaxootiga Rwanda ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay 67-kamid ah Qaxootiga waxa ay jinsiyaddooda tahay: Eritrea, Muwaadiniinta Suudaan oo tiro ahaan gaaraya 48-ruux, Somalia 12-qof, Nigeria 2-ruux, Ethiopia 1-ruux ah, dhammaan dadkaan 75% waa Rag, waxaana ku jira 27-Carruur sida warbixinta lagu sheegay.

83310cookie-checkTahriibayaal Afrikaan Ah Oo Ruwanda Laga Dejiyay