Is-rasaaseyn Ka dhacday Saldhig Boliis oo ku yaal Magaalada Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Is-rasaaseyn khasaare geystay ayaa la sheegay inuu ka dhacday Saldhigga Boliiska Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir, dagaalkaan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay Ciidamada Saldhigga iyo kuwa ka tirsan Hey’adda NISA..

Wararka ayaa sheegay in kooxdani oo watay gaari kana tirsan Xoogaga NISA ee xaruntooda tahay Degaanka Darusalaam ayaa weerar ku tagay Saldhigga Boliiska, waxeyna isku dayeen iney si xoog ah kula soo baxaan Eedeysane ku xirnaa Saldhigga.

Is-rasaaseyntaan ayaa ku geeriyooday 3-Nin oo laba ka mid ah ayka tirsan yihiin Hey’adda NISA, iyadoo laba kale Maxaabiis ahaan looga qabtay kuwa NISA, Maalamhaan waxaa aad ugu soo badanaaya isku dhacyada iyo Dhaca Dadweynaha oo ay geysanayaan Ciidamada Dowlada Federaalka.

199480cookie-checkIs-rasaaseyn Ka dhacday Saldhig Boliis oo ku yaal Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com