Xaqiiqada Ku Gedaaman Xogta Xoogaga Loo Diray Eritrea

Somalia news

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa horaantii sanadkii 2019-kii u diray Dhalinyaro laga uruuriyay Beelaha qaarkood kuwaasoo xilli Saq dhexe ah looga yeeray Xarunta NISA, iyadoo wareysiyo adag iyo baaris Dheer kadib si qarsoodi ah loogu qaaday Dalka Eritrea, iyadoo Diyaaradaha Ciidamada Qatar ay ka qeyb qaateen daadgureynta Dhalinyaradaan…

Warar is-khilaafsan ayaa laga helayaa Dhismaha Ciidamada oo Sharciyan aheyd in Baarlamaanka laga ansixiyo dhismaha iyo ujeedada loo dhistay, Howlaha loo igmaday, Muddo sanad kadib ayaa qaar ka mid ah Dhalinyaradaan lagu soo daadiyay Degmooyinka Gobolka Benadir kuwaasoo wajiyada qarsaday oo wata gadiid aan targo laheyn, waxeyna dhibaato xoogan ku Hayaan Shacbiga Magaalada Mogadishu.

Xaqiiqooyinka Loo Dhisay Xoogagaan Bastooladaha ku Hubeysan Yaase Maamula:-

-Qorsheynta, Qorista iyo Howlgalada Xoogagaan ayaa la sheegay inuu maamulo Adeege Fahad Yasin Madaxa NISA, iyadoo ay toos ah uga amar qaataan Madaxtooyada Villa Somalia, dhaqaalaha ku baxa Waxaa bixiya Qatar.

-Ujeedada Loo dhisay Iney difaacaan Maamulka Fashilmay islamarkaana Caburiyaan Shacbiga Soomaaliyeed ee Magaalada Mogadishu, iyagoo dilal, Xarig sharci darro ah, Afduub iyo hanjabaado joogta u geysta.

-Tiradooda, Waxaa lagu qiyaasaa 6000-8000 kuwaasoo 3000 oo ka mid ah ay weli ku sugan yihiin Dalka kuwaasoo la sheegay in Ciidamada Eritrea ay u adeegsatay Dagaalka Gobolka Tigray, iyadoo Odayaal iyo Xildhibaano ay gacan ka geysteen qorista Xoogagaan NISA.

Maxaa bedelay In Suudaan La Geeyo:-

Xoogagaan ayaa markii Hore loogu tala galay in lagu Tababaro Dalka Suudaan hase ueeshee Waxaa qorshahaasi bedelay Mr.Farmaajo markii uu heshiis iskaashi la yeeshay Dalalka Ethiopia iyo Eritrea, qarshakana Qatar ayaa balanqaaday.

Dooda haatan ku gedaaman Dhalinyaradaan ayaa la sheegay iyadoo Hooyooyin iyo Odayaal Dhalay Dhalinyaradaan ay cabasho iyo banaanbaxyo ka dhigeen Degmooyinka Dalka, iyadoo dalbanaaya in xaqiiqda ku gedaaman daaha laga rogo, kadib markii wakgtigii loogu tala galay Tababarada ka badan ay ku sugan yihiin Dalka Eritrea, waxaana cod Dheer lagu dalbanayaa inuu Mr.Farmaajo soo bandhigo xaqiiqda ku gedaaman Dhalinyaradaan.

88280cookie-checkXaqiiqada Ku Gedaaman Xogta Xoogaga Loo Diray Eritrea