Gudoomiye Degmo Oo Qarax Miino Ka Badbaaday

Somalia news

Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lagu beegsaday gaari u la socday Gudoomiye Degmo…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyo ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Waxaana lagu bartilmaameesaday gaariga guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Axmed Cabdullaahi Cariif walow uu ka badbaasay, balse waxaa dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa, iyo sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

88350cookie-checkGudoomiye Degmo Oo Qarax Miino Ka Badbaaday