Ma Dhabaa In Shatiyadii Qaadka Ethiopia La Siiyay

Somalia news

Maamulka Farmaajo, ayaa u oggolaaday in si gaar ah (Monopoly) ku heystaan duulimaadyada gudaha shirkado laga leeyahay dalka Ethiopia gaar ahaan Shirkadaha Ethiopian airliners iyo Aquarius Aviation taasoo loo ogolaaday in ay dalka keeni karto Qaadka ka baxa dalkaasi…

Sida Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada u sheegeen Diinah.com, Waxaa oggolashaan wada gaaray Mr.Farmaajo iyo Abiy Addis Abeba, Heshiiskaan ayaa wadada u sahlaaya sidii Suuqa geynta Somalia lagala wareegi lahaa Ganacsatada Kenya, si saameyn Dhaqaale ugu yeesho Dakhliga Dowlada Kenya.

Mas’uuliyiinta Shirkadda Aquarius ayaa heshiis la gaareen Garyaqaan Kenyan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Ethiopia kaasoo laga magacaabo Axmed Dheer (Mareexaan) sida aan xogta ku helnay, isla markaasna wakiil ka ah Hantida iyo Dhaqaalaha maalgelineed ee Madaxweynaha iyo Afadiisa ee Magaalada Nairobi.

Dagaalka ay dowladda Farmaajo kula jirto Kenya aya cirka isku sii shareeray iyadoo Kenya ay sheegtay in xayiraadda Qaadka uu fara ba’an ku hayo dhaqaalaha Gobolka Meru.

39170cookie-checkMa Dhabaa In Shatiyadii Qaadka Ethiopia La Siiyay