Gudoomiyaha Gobolka Mudug (Puntland) Oo Balanqaad Dhaqaale Bixiyay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolkaasi ee Qeybta Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay iney abaalmarin lacageed u balanqaadayaan dilka Afhayeenka Kooxda Shababka Horjooge Cali Dheere….

Guddoomiye Cabdiladiif ayaa ballanaqaadkan lacageed uga jawaabayay hadal dhawaan kasoo yeeray Afhayeenka Al-shabaab oo ahaa in la dilo Cabdiladiif, wuxuuna sheegay in Qofkii dila uu siin doono 500-Kun US$ oo abaal marin ah.

Mr.Cabdirashiid ayaa sheegay in hadal uu dhawaan jeediyay ay fasiraad khaldan ay ka bixiyeen xubno kamid ah Daladaha culimada Soomaaliyeed, kadibna uu ku raacay Cali Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay kulan tacsi ahaa oo Gaalkacyo loogu sameeyay saraakiishii dhawaan qaraxa lagu dilay.

88250cookie-checkGudoomiyaha Gobolka Mudug (Puntland) Oo Balanqaad Dhaqaale Bixiyay