Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya degmooyinka B/Burte iyo Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka ay weerareen xalay Fariisimada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan…
Wararka ayaa sheegay in dagaalkaasi Uu khasaare uu soo kala gaaray dhinacyadaan, Weerarkaasi Degmada B/Burte ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen 2-Qof oo mid Hore u ahaa Madaxa Ciidamada Dowladda Ee Degmada magaciisa lagu sheegay sheegay Axmed Faarax Booniye, inkastoo aan la helin magaca Askariga Dowladda.
Dhanka Jalalqasi ayaa war sugan laga helin, sidoo Warar kale ayaa sheegaya In dhaqdhaqaaq Maleeshiyaad laga dareemay guud ahaan Gobolka Shabeelada dhexe Gaar ahaan degaanada ku xeeran Tuulada Raagge Celle oo Maleeshiyaadka Shababka ay qabsadeen dhowaan dib uga gurteen.