Wararkii Ugu Dambeeyay Dadaalada Khilaafka Doorashada

Somalia news

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (lafta-gareen) ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu ka qayb qaadan doonaa dedaalada u dambeeyay ee la doonaayo in lagu xaliyo caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskii Muqdisho 17 September 2020 ee qabashada doorashada Baarlamaanka….

Laftagareen ayaa kulamo la qaadan doono wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan, sidoo kale waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaybo kamid ah Musharixiinta mucaaradka ah ee Muqdisho ku sugan.

GALMUDUG

Wararka laga helaayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas uu gaaray Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia James Swan iyo wefdi uu hoggaaminaayo, Mr.Swan Safarkiisa ayaa la xiriira dardargelinta gargarka bini’aadanimo, arrimaha hormarinta iyo sidii heshiis looga gaari lahaa doorashooyinka.

Sidoo Kale Mr.Qoor-qoor ayaa la sheegayaa inuu doonaayo inuu badbaadiyo qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee hadda fadhiya in mar labaad dib loo soo doorto (Cabdi Qeybdiid) si culeyska qabashada doorashada aan loo dhameyn haddii uu qabto uga yaraato.

SHIR MIYAA LA ISUGU IMAAN?

In shir dambe la isugu yimaado waxaa aad u xujeynayey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana wararku sheegayaa in ay u dhawdahay in shir la isugu yimaado, inkasta oo aan la caadeyn halka lagu qabanayo.

Maamulka Farmaajo oo aad uga soo horjeedey in shir la isugu yimaado isla markaana ku adkeysanaaya in la fuliyo wixii lagu heshiyey ayaa hadda ka soo debecdey mowqifkiidi hore waxaana ay hadda ka dalabanayaan in Deni iyo Madoobe soo magacabaan xubnaha guddiga doorashada, kadibna shir la isugu yimaado, wixii laga beddeli karo guddiga si guud looga wada beddelo.

Haddii heshiis la gaari waayo 48 saac ee soo socota ayey u badan tahay in saddexda Dowlad goboleed ee kale ay qabtaan doorashada Aqalka sare, inkastoo ay Wakiilada Beesha Caalamka ay sheegeen ineysan taageeri doonin Doorasho dhinac ah.

89230cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Dadaalada Khilaafka Doorashada