Garoowe & Dhaqdhaqaaqa Siyaasada Todobaadkaan

Somalia news

Magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in Todobaadkaan ay marti geliso Kulamo siyaasadeed oo looga tashanaayo is-mari waaga ka dhashay Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka iyo Ciidamada Gobolka Gedo lagu daadgureeyay…

Waxaa Maanta lagu wadaa iney Magaalada gaaraan Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mr.Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mr.Qorqor, halka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland lagu wado inuu soo gaaro Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Dhaqdhaqaaqyadaan siyaasadeed ayaa la sheegay in looga tashanaayo sidii xal looga gaari lahaa Xiisada ka dhalatay Ciidamada uu Mr.Farmaajo u daadgureeyay Gobolka Gedo isla markaasna u awood sheegtay Ciidamada degaanka Ee Dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo Maamulka Jubbaland ay ku adkeysteen in la dhaqan geliyo Heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia.

78110cookie-checkGaroowe & Dhaqdhaqaaqa Siyaasada Todobaadkaan