Khilaaf Ka Dhashay Boobka Kheyraadka Ee Maamulka Fashilmay

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa Wasaarada Macdanta iyo Kheyraadka Khilaaf iyo muran u dhaxeeya 3-Garab oo markii hore heshiis ku ahaa Boobka Shidaalka, hadase xiligaan kala guurka ah ay dantu biday in koox gooni u qaadato wixii ay heli kartay…

Iyadoo dhowaan Laga hor-istaagay Kooxahaan iney shirkad Shisheeye ka iibiyaan Blocks-yo Xeebaha ah ayaa haataan la sheegay inuu ka dhex qarxay dagaal, Kooxaha Mr.Farmaajo oo Beesha Mareexaan u badan, Kuwo Taageersan Adeege Fahad Yasin iyo kuwo kale oo daacad u ah Cabdiweli Muudey, Khilaafkaan ayaa soo shaac baxay  kadib markii Golaha Wasiirada oo u adeega Danaha Farmaajo ay xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Batroolka Ibraahim Cali Xuseen, isla markaana loo magacaabay Agaasime cusub wuxuuna khilaaf gaaray heerkii ugu hooseeyay.

Dhanka kale, waxaa xarunta Villa Hargeysa waxaa kulan ku yeeshay guddiga kheyraadka Golaha shacabka iyo Gudoomiyihii Hey’adda Shidaalka ee xil ka qaadista lagu sameeyay kasoo horjeestay. Wuxuuna u sheegay in Khilaafka uu salka ku haya arrimaha Dhaqaalaha ee Hey’adda Shidaalka, kaasoo la sheegay in ay maamulayso wasaaradda Macdanta markiisii horena ahaa mid ka madax-bannaan.

Xiligaan oo dalka cagaha la galay marxalad kala guur ah, isla markaasna muran xoogan uu ka taagan yahay Guddiyada Doorashada, ayaa kooxahaan ku mashquuleen iney boobaan Hanti Shacbiga inta aan la gaarin8-da February, xiligaasi Uu Maamulka muddo xileedkiisu ku eg yahay.

89150cookie-checkKhilaaf Ka Dhashay Boobka Kheyraadka Ee Maamulka Fashilmay