Waxaa lagu wadaa in Magaalada Mogadishu ay soo gaaraan Saraakiil ka tirsan Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka qeybta Bariga Afrika, kuwaasoo Kulamo la yeelan doona Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Safaarada USA Ee Mogadishu…
Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Saraakiisha Kulamo kula yeelan doonaan gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Dowladda Federaalka, iyagoo kala hadli doona xaaladda xasaasiga ah ee ku gedaaman Khilaafka Doorashada Somalia.
Muddo xileedka Maamulka Farmaajo ayaa Maanta ku eg ( 7-da February 2021), iyadoo aaney jirin Heshiis doorsho iyo Qaab kale oo looga gudbi karo, inkastoo ay Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku kulansan yihiin Magaalada Dhuusa mareeb.
927700cookie-checkSarkiil Mareykan Ah Oo Mogadishu Ku Soo Fool Leh