Weerar Bam-gacmeed Oo Ka Dhacay Baydhabo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo xalay lagu qaaday guriga Taliyaha Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ka dagan yahay gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed….

Weerarkaan oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa fuliyey koox hubeysan, kuwaasoo goobta iska baxsaday falka kadib, Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku geeriyootay ugu yaraan 1 qof (Garab) halka ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo kale oo shacab ahaa, kuna sugnaa guriga.

Ilaalada Guriga ayaa weerarka kadib waxey rasaas kaga jawaabeen Weerarka bamka, iyadoo rasaastaasi dhaawac kasoo gaaray markii dambe u geeriyootay gabar yar oo ka mid aheyd dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Xanaan Barre.

92740cookie-checkWeerar Bam-gacmeed Oo Ka Dhacay Baydhabo