Qarax La La Beegsaday Ilaalada Jidka Mogadishu-Afgooye

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gaari Toyota Pickup ayna la socdeen Ilaalada Shirkadda Turkiga ah ee qandaraaska ku qaadatay Wadada Mogadishu-Afgooye, la la beegsaday Qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay waxaana ka dhashay khasaare…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 5-ka mid ah Ciidamada Haramcad oo u xil saaran ilaalinta Mas’uuliyiinta Shirkadda Turkiga Ee wadada dhiseysa, qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Carbiska, iyadoo uu burbur xoogan uu soo gaaray Gaariga.

Kooxda Shabaabka ayaa waxey bartilmaameed joogto ah ka dhigteen Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Shirkadda Turkiga ah ee Qandaraaska ku qaadatay Wadadaasi, iyadoo tiro shaqaale ah looga Dilay halka kuwo kale laga dhaawacay.

92800cookie-checkQarax La La Beegsaday Ilaalada Jidka Mogadishu-Afgooye