Maxaa Keenay Dib u Dhaca Kulankii Madasha Wadatashiga Qaran & Mugdiga ku Gedaaman…

Somalia news

Qoraal casumaad halhaleel Villa Somalia looga soo saaray ayaa loogu baaqay Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran iney kulan isugu yimaadaan magaalada Mogadishu, kadib markii Maamulada qaarkood looga gacan haatiyay Dalka Imaaraadka Carabta, isla markaasna lagu qasbanaaday in Kulankaan lagu horjoogsado…

Qoraal kale oo Xafiiska Wasiirka 1-aad uu soo saaray ayaa lagu baahiyay inuu baaqday Kukankii GWQ, ku darsoo Xiligaan adag ee abaaraha, Colaadaha Bariga Dhexe, Khilaafka Somalia kala dhaxeeya ee Ethiopia iyo Tashi gelin la’aanta wax ka bedelka Dastuurka oo 4-Cutub ee ugu muhiimsanaa wax laga bedelay ayaa Hogaanka Villa Somalia dhaxalsiisay inuu Go’doon siyaasadeed iyo inuu burbur qarka u saarmo Nidaamka jilicsan ee ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka.

Maamulka Puntland ku dhawaad 2-sano ayuu gooni daaq Maamulkiisu yahay, wuxuuna doonaaya sad-buursi uu ka bartay Maamulkii Xasan Sheekh ee kal hore ka helay, iyagoo qortay Dastuur macmal ah oo u saamaxaaya iney go’aan hadii lagu soo hal qaado iney soo wareejiyaan Dekedaha Garacad iyo Boosaaso lana mideeyo Canshuuraha iyo Ciidamada ama aan la siin Kursiga Wasiirka 1-aad.

Maamulada Konfur galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa ilaaliya Ciidamada Ethiopia iyo Kenya kuwaasoo hoos u dhigay Awoodaha Dowlada Somalia, waxeyna hortaagan yihiin in ka dhiso Ciidamo Dowlada Federaalka leedahay oo degaanadaasi ka howlgala, Jubbaland Dekada waxaa wada maamula Saraakiil Kenyan ah & Axmed Dhuxul kuwaasoo macaash badan ka sameeya Canshuuraha laga qaado Ganacsatada, waxeyna doonayaan in mar kale dib loo soo doorto xoog iyo xeeladba, Labadaan Hogaan Maamulkooduna ma dhaafsiisana Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Sababaha loo baajiyay Kulanka ay ugu weyn tahay inuu Madaxweynaha ka biyo diiday in muddo kororsi 2-sano ah loo sameeyo Maamulada Gobolada qaarkood, Aqoonyahannada falanqeeya arrimaha Siyaasada ayaa aaminsan qorshaha muddo kororsiga uu khatar ku yahay Barnaamijka Siyaasadeed ee Madaxweynaha marka la gaaro Sanadka 2026-ka.

Isku soo wada duub dib u dhista Kulankaan Xeeldheerayaasha ayaa waxey qabaan cakirnaanta taagan ay horseedi karto in Nidaamka Jilicsan ee awood qeybsiga Dowlada Federaalka uu helis ku jiro, loona baahan yahay in si looga gudbo cakirnaantaan taagan Shirweyne guud loo qabto Somalia isla markaasna looga xoroobo damaca Hogaamiye Kooxeedyada Hubeysan ee Gobolada lana dhiso Maamul mideyn kara Somalia oo aan qabin aragti kali-talisnimo iyo koox diimeed hubeysan.

322240cookie-checkMaxaa Keenay Dib u Dhaca Kulankii Madasha Wadatashiga Qaran & Mugdiga ku Gedaaman…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *