Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal ay ka argagaxeen dadka deegaanka, kadib markii ay kusoo waabariisteen meydadka saddex qof (Haween) oo lasoo dhigay qeybo ka mid ah Xaafada War laliska ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir….
Meydadka oo ahaa haween oo laba ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, ayaa saaka lagu arkay waaxda Kur-Damac ee degmadaasi, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka Degaanka, Wararka ayaa sheegaya in meydadka ay korkooda ka muuqatay rasaas loo adeegsaday toogashadooda, waxeyna ka shaqeyn jireen Wasaarada Gashandhiiga qeybta Nadaafada.
Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii lasoo dhigay meydadka saddex dhalinyaro ah oo si arxan darro ah loo dilay taas oo dadka deegaanka ku abuurtay cabsi iyo wal-wal aad u xoogan.
Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhacdadan,balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in loo dilay kadib markii ay diideen in Howlgalo u fuliyaan Kooxda argagixisada Shababka, Hey’adaha ammaanka ayaa soo saaray war la xiriira dilka Haweenkaan nadaafada kaga shaqeysan jiray Xarunta Wasaarada Difaaca Somalia.