Deg deg:- Is-Rasaaseyn Xoogan Oo Ka Dhacday Mogadishu

Somalia news

Degdeg:- Is-Rasaaseyn xoogan ayaa la sheegay iney ka dhex qaraxday Ilaalada Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ilaalada Xabsiga dhexe, Is-rasaaseyntani ayaa ka dhacday inta u dhaxeysa Dekada Magaalada Mogadishu iyo Isbitaalka Martiini…

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ilaalada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax Tuur) iyo Imaamkii hore Ee Beelaha Mudulood Nabadoon Maxamed Yuusuf iyo Xubno kale oo wadada maraayay ayaa la sheegay iney rasaaseeyeen Ilaalada Xabsiga dhexe Ee Ciidamada Asluubta, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxeyna Kolonyadaan ka yimaadeen Tacsida Marxuum Gen.Galal.

xaalad Kacsanaan ayaa xiligaan ka taagan Degmada Xamar Jabjab, iyadoo labada ciidan ay Weli isku hor-fadhiya an aaga la isku rasaaseeyay, Gaadiidka Nabadoon Maxamed Yuusuf oo ah kuwa aan xabada karin uu goobta taagan yahay.

94790cookie-checkDeg deg:- Is-Rasaaseyn Xoogan Oo Ka Dhacday Mogadishu