Ma Dhabaa In La Dhageysan Jiray Talefoonada Kheyre

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shabakad ku xeel dheer farsamada Isgaarsiinta iyo daba galka oo laga dhex dhisay Hey’adda Sirdoonka, isla markaasna ay Hogaaminaayan Farsamo yaqaano Ajaaniibta ah, kuwaasoo adeegsanaya qalab casri ah oo ay ku deeqday Maamulka Dooxa, ayaa lagu xiray Xafiiskiisa, Gaarigiisa, Hoygiisa iyo shaqsiyaad la shaqeeya Xasan Kheyre kuna qabay kalsooni buuxda….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u tilmaamtay in Adeege Fahad Yasin uu si joogto ah u heli jiray xogaha, qorshaha iyo damaca ku jiray Ra’iisul wasaarihii hore. Wuxuuna u gudbin jiray warbixinada Mr.Farmaajo, iyadoo mararka qaar loo sameeyn jiray waxa la yiraahdo “real time” dhagaysi ah, oo aan u baahnaynin inuu dhagaysto war la duubo.

Saraakiisha Qatar ayaa ku adkeeyay Farmaajo iyo Fahad iney ka fogaadaan wax kastaa ee keeni karay in Mr.Kheyre uu galo tuhun ah in lagu raad joogo, Kheyrana marnaba kuma fakarin in saaxiibiisa gaarka ah iyo shaqaalaha isaga u shaqeeya ee uu kalsoonida siiyay ay u shaqeeyaan Fahad Yasin xantiisana  ay lsi joogta ula wadaagaa Farmaajo.

Markii Xilka laga Qaaday saacado ka hor ayaa baaris lagu sameeyay Xafiiska, iyadoo laga qaaday 16-Feyl Oo Macluumaad sir ah ku jireen, ayna gacanta ku heysay Mrs.Samira Geydh Oo Kaaliye u aheyd Mr.Kheyre, Sidoo kale Waxaa si toos ah loo abaaray galalkii u gaarka ahaa Xasan Kheyre, (oo uu Farmaajo cod ahaan horay ugu dhagaystay) kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ku jiraan heshiisyo gaar ah iyo dano ka tarjumayo wadamo kale kuwaas oo laga qariyay golaha wasiiradiisa..

51190cookie-checkMa Dhabaa In La Dhageysan Jiray Talefoonada Kheyre