Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Gaari Miineysan

Somalia news

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay iney gacanta ku dhigtay gaari noociisu yahay Hoomey oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaddib markii ay howlgal ka sameeyeen ciidamada dowladda gobolka Shabeellaha Hoose…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Tuullada Cadcadey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo gaariga lagu qabtay ayeey sheegeen saraakiisha dowladda in ay ku sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, hasse ahaatee ciidamadu gacanta ku dhiggeen.

Gaarigan ayaa la sheegay in muddo ah lagu diyaarinayay walxa qarxa, islamarkaana Kooxda Shababka ay doonayeen inay ku weerarraan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa imanaya xili maalintii shalay gaaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay weerar ismiidaamin ah ka fuliyay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Siyadka.

94950cookie-checkCiidamada Dowladda Oo Qabtay Gaari Miineysan