Afduub Nooc Cusub Oo B/Weyne Ka Dhacay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Koox dabley ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Shababka ay afduub nooc Cusub u geysteen Haweeney iyo Ilmo yar oo ay dhashay, iyadoo lagala degay gaari ay ku safreysay, waxeyna ka tagtay Magaalada Muqdishu kuna sii jeeday Magaalada B/Weyne Ee Gobolka Hiiraan…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news, in afduubkaan uu ka dhacay Tuulada Mokoyle Ee duleedka Magaalada B/weyne, Kadib ayaa la sheegay in Askariga ay u dhaxday Haweeneyda iyo kuwo kale ayaa tiro Haween ah oo lagu tuhmaayo iney qabaan Horjogayaal ka tirsan kooxda Shababka ayeey ka soo xireen gudaha Magaalada B/Weyne.

Dhacdadaan ayaa todobaadkaan ka dhacday Magaalada B/weyne, waxaana la sheegay in haweenkaasi lagu xiray Saldhigga Boliiska B/weyne dhowr habeen ayaa la sheegay iney Xiisadaani soo fara geliyeen Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada iyo Gobolka kuwaasoo siiyay Haweenkii ay qabeen Horjoogayaasha Shababka.

Ilaa hadda lama yaqaano halka la geeyay Haweeneyda la afduubtay iyo sababta loo afduubtay, waxaase shaki ku jirin in falkaan oo ku cusub afduubyada Haweenka, ayaa noqonaaya mid welwel iyo cabsi ku abuurtay Dadka socotada ah gaat ahaan Haweenka u dhaxa Ciidamada Dowladda.

64430cookie-checkAfduub Nooc Cusub Oo B/Weyne Ka Dhacay