Eedeymo Culus Oo Qaramada Midoobay U Jeedisay Dowladda Federaalka

Somalia news

Mas’uul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay in Hogaanka Dowladda Federaalka ay u hogaamsami waayeen dhowrista Xuquuql insaanka Ee Somalia xili ay soo dhowaatay Doorashada dadban Ee Dalka…

Warbixintaan ayaa lagu lifaaqay welwelka laga qabo dhowris la’aanta Xuquuqda Dadka Rayidka ah, waxaana la sheegay in loo gudbiyay Golaha Xuquuqul Insaanka Ee Qaramada Midoobay, waxaana gudbiyay Baare sare oo ku xeel dheer arrimahaan isla markaasna madax banaan.

Mrs.Isha Dyfan oo Bishii May Sanadkaan loo magacaabay ayaa sheegtay in Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku guuldareysteen iney xuquuqda Dhaqaalaha, Bulsho iyo Dhaqan ahaan Ee Dadweynaha, waxeyna intaasi raacisay in Afaada Ayaxa iyo COVID-19 ay uga sii dareen Dhibaatada heysta Dadka Rayidka ah.

“Waxaa jira Warbixino ku saabsan weeraro lid ku ah Xarumo daryeel Caafimaad iyo shaqaale Samafal, isticmaalka awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen Hey’adaha Fulinta, taasoo horseeday dhimasho iyo dhaawac Dadka Rayidka ah, Xadgudubyada xuquuqda xoriyada hadalka iyo aragtida, kororka dembiyada Galmada”.

Khabiirada ayaa farta ku fiiqday iney kordheen tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagu hayo Haweenka iyo Caruurta Soomaaliyeed, Eedahaan ayaa gaashaanka u darurtay Danjiraha Somalia Ee Switzerland iyo Austria Abyan Maxamed Saalax, iyadoo sheegtay ineysan waxba ka jirin eedaha loo jeediyay Maamulka Farmaajo.

64460cookie-checkEedeymo Culus Oo Qaramada Midoobay U Jeedisay Dowladda Federaalka