Maxaa ka Run ah in Qaraxyo ka bilowdeen Dabkii suuqa Muqdisho & Tuhunka oo la Tilmaamay…

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa farta ku godaaya in Qaraxyo loo badinaayo inay sababeen dab xoogganaa ee dhalay aroortii hore ka kacay qeyb ka mid ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha, sida ay sheegeen goobjoogayaal loo qaateen oo diiday in Magacooda la adeegsado…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxyada oo bilaawday ka hor 5-tii aroornimo ee shalay ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan hal qof, waxaana lagu burburiyay bakhaarro badan oo lagu iibiyo qalabka Electronikada iyo agabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kafee, Kabo iyo Dhar, kuwaasoo intooda badan ay ku xirnaayern qalabka CCTV.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka, balse Saraakiisha ayaa sheegay iney tuhunsan yihiin inay ka dambeeyaan kooxdq argagixisada shabaabka, inkastoo aysan weli si rasmi ah uga hadlin dabka ka kacay suuqa Bakaaraha, Mudo dheet ayeey Horjoogayaasha kooxda Shabaabka waxey ka soo horjeedeen Nidaamka ilaalinta Bakhaarada iyo waddooyinka (CCTV) oo loo isticmaali karo in lagu aqoonsado xubnaha fududeeya weerarada.

Xubno ka mid ah Ganacsatada iyo Gadisleyda Bakhaarda oo si qarsoodi ah warbaahinta u sheegay iney waayahasn dambe soo gaarayeen Taleefoono Hanjabaad xambaarsan oo uga imaanayay Dad sheeganaya iney ka tirsan yihiin kooxda argagixisada Shabaabka, kuwaasoo ka soo horjeeda in Goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka wax lagu ilaaliyo.

Ku darsoo, Hey’adaha amniga ayaa ku amray Ganacsatada iney Meherahooda ku rakibaan CCTV, Shaqsiyaad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Shabaabka ayaa horay u beegsaday nalalka waddooyinka iyo kaamirooyinka CCTV ee lagu xiray waddooyinka iyo isgoysyada muhiimka ah.

313990cookie-checkMaxaa ka Run ah in Qaraxyo ka bilowdeen Dabkii suuqa Muqdisho & Tuhunka oo la Tilmaamay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com