Share the post "AFRICOM oo ka digtay Dhaqdhaqaaqyada kooxda Argagixisada Daacishta ee Qaarada Afrika."
Warbaahinta Dalka Mareykanka ayaa wax qoray walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Bariga iyo Galbeedka Afrika iyo xaaladda murusan ee ku aadan saameynta sii yaraaneysa Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) kadib markii ay jareen dhaqaalaha Taliska Africom oo istaraatiijiyaddeeda Qaarada hoos loo dhigay…
Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Trump uu diyaarinayay qorshe uu ku dhimaayo joogitaanka Ciidan iyo Dhaqaale uga baxa Joogitaankooda Bariga iyo Galbeedka Qaarada Africa, tallaabadan oo ka ah isbedelada ku wajahan siyaasadda guud ee Africa, sida u qoray Wargeyska Washington Post, waxaana la dhimayaa tirada Ciidamada USA, Howlgalada iyo Dhaqaalaha ku baxaaya, waxaana tilmaamay in cabsida ka soo wajaheysa Russia iyo China ay ku qasabtay iney bedelaan Istrateejiyadoodii Africa.
Qorshahaan oo salka ku haya dib u habeyn balaaran oo lagu sameynaauo Sameynta Ciidamada Mareykanka ee Qaarada iyo in Mas’uuliyada sugidda Amniga ay tahay mid ay ciidamada Afrikaanka ah si buuxda u ula wareegaan, Maamulka Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay in guusha waarta aysan ku imaan karin keliya awood ciidan, balse loo baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo wax ka qabata sababaha salka u ah xasillooni darrada.