Gobolka Oromada Ethiopia oo Lagu Dilay Nin u Dhashay Dalka China

Africa News

Wararka naga soo gaaraya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Muwaadin Chinese ah ayaa lagu dilay gobolka Oromia, sida ay sheegtay Safaarada China ee Addis Ababa, waxeyna ku amartay Muwaadiniinta inay kasoo baxaan aagagga halista ah…

Wararka ayaa sheegay in Sagaal Muwaadin oo Chines ah ayaa habeenkii Isniinta lagu weeraray deegaanka Gebre Guracha, oo 160-km Waqooyi kaga beegan Magaalada caasimadda ah, sida ay safaaradda ku sheegtay Qoraal ay soo saartay.

Safaaradda China ayaa sidoo kale sheegay in “kiisaska halista ah ee weerarrada hubaysan, afduubka, iyo dhaca” ay ku badan yihiin Degaanada Gobolada Oromia iyo gobollada Xuduudda la leh.

240210cookie-checkGobolka Oromada Ethiopia oo Lagu Dilay Nin u Dhashay Dalka China