Qarax & Israsaaseyn Caawa ka Dhacday Magaalada Muqdisho & Shababka oo Dad Rayid ah Horey u Afduubtay..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Laba Fal oo mid ka mid ahi ay kooxda Argagixisada laga soo furtay Dad Rayid ah oo muddo u afduubnaa kana kaxeesteen degaanka Wisil ee Gobolka Mudug, iyadoo caawa lagu soo bandhigay degaanka Bajeela 6-qof oo ka mid ahaa 11 qof oo labo sano ka hor…

Odayaasha Dhaqanka Beesha Sacad ayaa iska diiday dalabkii kooxda Argagixisada uga yimid, waxayna u cadeeyeen in dagaalka aysan ka bixi doonin, iyagoo ku yiri “Sidaa doontaan ka yeela dadka aad maxaabiis ahaanta nooga heysataan,” Labo sano kadib, caawa waxaa timid lix qof, waxayna sheegeen in shantii kale ay kooxdu dishay, dadka qaar waxaa la sheegay inay toos u dileen, halka dadka qaar ay baahi ugu dhinteen xabsigii Shabaabka.

Dhanka kale, 3-Qarax xoogan ayaa lagu weeraray Shirkada Farayare, waxaana xigey tacshiirado caawa la isku dhaafsaday Xafada Black sea ee Degmada Hodan, iyadoo dab xoogan uu ka kacay, kadib waxaa fooda is dareen Xoogaga amaanka iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaabka, Falkaan argudashada ah ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay markii Maleeshiyo ka tirsan Shabaabka ay qarxiyeen Dukaan lagu iibiyo Qalabka Dayactirka Gaadiidka ku yaalla xaafada Al-baraka kaasoo xirtay kaamirada CCTV kadib amarkii ka soo baxay DF.

Xoogaga amaanka oo goobta ka dhawaa ayaa daba galay Maleeshiyaadka oo isku dayey iney ku baxsadaan mooto bajaaj ay wateen, Maleeshiyada hubeysan ayaa sidoo kale isku dayey iney iska caabiyaan ciidamada amaanka iyagoo adeegsanaya labo bastooladood oo ay wateen, hase yeeshee mid ka mid ah ayaa laga dilay Argagixisada, iyadoo sidoo kale wadihii Mootada uu isna dhintay

291590cookie-checkQarax & Israsaaseyn Caawa ka Dhacday Magaalada Muqdisho & Shababka oo Dad Rayid ah Horey u Afduubtay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com