Ma Dhabaa in Tiro Xildhibaano ah Oo Congress-ka USA ay Doonayaan in Ciidamada Mareykanka Laga soo Saaro Somalia

Somalia news U.S.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in koox tiro yar oo ka tirsan Xildhibaanada Jamhuuriga ee Aqalka hoose ay ku cadaadinayaan Afhayeenka Kongareeska Maraykanka iyo koox Xisbigiisa Republican ah in la abaabulo Mooshin deg deg looga soo saarayo Ciidamada Maraykanka Somalia…

Wararka ayaa dheegay in Mooshinkaasi uu gadaal ka riixaayo Mr.Matt Gaetz iyo koox tiro yar oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, xogo aan ka xaqiijin ayaa sheegaya in Mooshinkaasi intuusanba soo gaarin Gudoonka Aqalka ayaa waxaa ku kala qaybsamay Republican gudihiisa oo diiday.

Kooxda soo abaabushay Mooshinkan, waxay daba socdaan go’aankii hore ee Trump uu uga soo saaray Ciidamada Somalia,i yagoo fashilinaya qorshaha Maamulka Biden, Balse Republican gudihiisa ayay ka gadmi wayday qorshahaasi, waxayna u arkeen in soo saarista Ciidanka ay tahay khalad Siyaasi oo ka hor imaanaya danaha Maraykanka, tiro Ciidamo ah oo Maraykan ah, ay gudaha Somalia ka hawlgalaan, iyagoo qayb weyn ka ah la dagaallanka argagixisada.

Dhanka kale xiligaan USA oo loolan uga imaanayo xulufada cusub ee China iyo Russia oo saameyntooda leh isla markaasns kuma haboona Maraykanku inuu kala soo baxo Ciidamadiisa Dalka Somalia oo kale ah oo leh strateejiyad muhiin ah.

252090cookie-checkMa Dhabaa in Tiro Xildhibaano ah Oo Congress-ka USA ay Doonayaan in Ciidamada Mareykanka Laga soo Saaro Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com