Agaasimaha NISA Oo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdishu

Somalia news

Kadib markii shalay Mudaaharaadyo xoogan ay ka dhaxeeya Magaalada Muqdisho gaar ahaan Waqooyiga, ayaa waxaa soo baxaaya cabsi xoogan uu ka qaaday Dibadbaxayaasha Agaasimaha Hey’adda NISA, isagoo cabsi darteed uga soo guurey Xafiiskiisii Ee Hey’adda oo ku taal Degmada Shibis ee Magaalada Muqdishu….

Ilo wareedkaan Ayaa sheegay in Adeege Fahad Yasin uu degan xarun cusub oo dhowaan laga hirgeliyay Xaruntii Afisione Ee gudaha Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu ka shakiyay Xubno NISA ah iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Adeege Fahad Yaasiin uu habeenkii 3-aad ku hooyanayo dhismaha cusub Ee Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdishu, Wuxuuna xakameeyay dhaqdhaqaaqiisa Magaalada, isagoo ku soo koobay khadka Isgaarsiinta uu amarada ka bixiyo.

Adeege Fahad Yaasiin oo ah shaqsiga ka mas’uulka ah dhibaatada ka taagan caasimada, ayaa dhuumasho iyo orod billaabay, isagoo u baqay naftiisa, maadaama uu falkiyay Falal Caburin dilal qorsheysan iyo dagaal sokeeye oo laga cabsi qabo inuu ka qarxo Magaalada Muqdishu.

79420cookie-checkAgaasimaha NISA Oo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdishu