Africom Warar Dheerad ka Bixiyeen Duqeyn ay Jilib ka Fuliyeen…

Somalia news

Taliska Africom ayaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyay Howlgal duqeyn-Drones oo ay ka fuliyeen Gudaha Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayeey ku sheegeen iney ku bartilmaameedsadeen Horjoogihii kooxda Shababka ugu xilsaarnaa Xiriirka Howlgalada dibeda…

Wararka ayaa sheegay in Howlgalkaasi lagu dhaawacay Horjooge Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer (Macallin Cusmaan) duqayntaasi, inkastoo aan la sheegi karin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray, Horjoogahaan ayaa u qaabilsanaa Arrimaha Dibedda, keenista Ajaanibta ee Dalka iyo Fududaynta kala gudbinta fikradaha kooxaha argagixisada.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in Horjooge Macallin Cusmaan uu horey u noqday Madaxa Difaaca ee Al-Shabaab, bishaan ayeey aheyd markii Hogaanka Kooxda Shababka u qabteen Kulan Odayaal Dhaqeemeed iyo Culumaa’idiin iyo qeybo ka socda Bulshada degaanka.

257470cookie-checkAfricom Warar Dheerad ka Bixiyeen Duqeyn ay Jilib ka Fuliyeen…