Ma Dhabaa in Saraakiisha Mucaaradka Loo Diyaariyay Qorshayaal Xariga & Afduub

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in qorshayaal guracan oo laga diyaariyay Xarumaha Villa Somalia iyo NISA, kuwaasoo salka ku haya sidii Afduub iyo xarig loo geysto Gacan-yarayaasha, Saraakiisha iyo Xubnaha la shaqeeya Midowga Musharixiinta….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Qorshahaan uu soo gaaray heer ah kooxo sahmiya Dhaqdhaqaaqa Xubnaha lagu raad joogo, iyadoo ay xitaa qeyb ka yihiin Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shababka kuwaasoo ku gacan siinaayaan sidii loo fulin lahaa Qorshahaan, iyadoo la sheegay in la soo dhameystiray Wrbixinta xog uruurinta loona gudbiyay Xarumaha Villa Somalia iyo NISA.

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa la sheegay inuu welwel iyo cabsi xoogan ka qaaday Abaabulka Kacdoon ka dhan ah, kaasoo 48-saac ee u dambeysa ugu abaabulkiisa aad looga dareemay gudaha Magaalada Mogadishu, wuxuuna isku dayayaa inuu xoog iyo xeeladba ku hor istaago, isagoo adeegsanaaya Kooxo degaanka ka soo jeeda.

Hogaanka Midowga Musharixiinta ayaa la sheegay iney culeysyo kala kulmayaan Waxgaradka iyo Hogaamiyayaasha Bulshada iyo kuwa Dhalinyarada si ay hormuud ugu noqdaan Kacdoon la isaga xireynaayo Kooxda sharci darrada ku joogta xiligaan Villa Somalia.

Shacbiga Caasimadda ku nool ayaa la sheegay iney diyaar u yihiin iney ka qeyb galaan Kacdoonka dhanka ka ah Kooxda sharci darrada ku joogta Villa Somalia 27-maalmood islamarkaana Diiday in xal laga gaaro Khilaafka Doorashada.

99940cookie-checkMa Dhabaa in Saraakiisha Mucaaradka Loo Diyaariyay Qorshayaal Xariga & Afduub