Agaasime Xiran Oo Laga Helay Cudurka Caabuqa

Health

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Cabdullaahi Xaashi Cali Oo muddo u xiran Xoogaga Amaanka ee Maamulka Farmaajo ayaa waxaa laga Helay xanuunka Coronavirus, xilli muddo bil ka badan uu ku xiran yahay Magaalada Muqdisho….

Hay’adaha ammaanka ayaa horaantii bishii April ka soo xiray Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, ka dib markii lagu soo eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq.

Ehelada Agaasimaha waxaa ay xaqiijiyeen in uu ku dhex xanuunsaday xabsiga, iyadoona uu xanuunka u muuqday mid xabsiga loogu dhex keenay.

Mahad Cumar Xaaji ayaa tilmaamay in Agaasimaha uu xabsiga ku dhex xanuunsaday, dadaal dheer ka dibna ay dowladdu ka aqbashay in laga baaro xanuunka, kaasoo ugu damveyn laga helay.

Mahad ayaa iftiimiyay iney dowladda ka codsadeen in damaanad lagu soo sii daayo, hase ahaatee shuruud looga dhigay inay bixiyan lacag dhan boqol kun oo lacagta Mareykanka ah ($100,000), taa oo sida uu sheegay aanay awoodin.

33840cookie-checkAgaasime Xiran Oo Laga Helay Cudurka Caabuqa