Kororka Weerarada Kooxda Argagixisada Shababka & Habacsanaan Talisyada Ciidamada & kuwa Sirdoonka..

Somalia news

Warbixin Amaanka ayaa daaha ka rogeysa in 8-9 Weerar oo qorsheysan ay Kooxda Argagixisada Shababka ku qaadeen Fariisimada Ciidamada iyo Hoteel kaabiga ku haya Madaxtooyada Villa Somalia, dhaqdhaqaayadaan ayaa u muuqata Dayac, Fashil Sirdoon & Habacsanaan Hogaanada Talisyada lagu daray Qorshe xumida Hogaanka Villa Somalia…

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in shalay iyo Doraad ay weerar qorsheysan kooxda Shababka ku soo qaadeen Degaanka Bacaad ee Degmada Xaradheere iyo Tuulada Darul Nicma ee Gobolka Shabeelada dhexe, Dagaalada ayaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo markii 4-aad ee ay kooxda weeraraan Tuuladaan isla markaasna Qabsadaan tan iyo sanadkii hore, Halka Degmada Xaradheere la sheegay in la iska caabiyay inkastoo khasaare soo wada gaaray dhinacyadaan.

Intii lagu guda jiray bisha Ramadaan waxey Maleeshiyaadka kooxdu weerar ku qaadeen Degaanada Busley, Sanguuni, Xinlabi, Hoteelka SYL, Degmada Xaradheere iyo Tuulada Daru Nicma, Khubarada Amaanka ayaa welwel ka muujiyay tirada sii kordheysa ee Weerarada Kooxda Shababka iyo Hogaan xumida/Jilicsanasnta Villa Somalia iyo kan Talisyada Xooga Dalka, Boliiska & NISA.

Ku darsoo Madaxaeynaha ayaa qoraheynayaa in Safar ku tago Dalka Sacuudiga kadibna marka uu ka soo laabto ku noqonaaya Magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo uu go’aansaday inuu Xilka Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka u magacaabo Xasan Cali Nuur (Shuute), Halka Hogaanka NISA uu u wado Xildhibaan Sanbaloolshe oo ku xiran Sirdoonka Ethiopia laguna xasuusto inuu Muwaadin Qalbi dhagax u gacan geliyay Ethiopia.

317461cookie-checkKororka Weerarada Kooxda Argagixisada Shababka & Habacsanaan Talisyada Ciidamada & kuwa Sirdoonka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com