Bukaano Looga Shakisan yahay Cudurka Danyeerka Oo La Dhigay Isbitaal

Health Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Saddex qof oo laga shakisan yahay cudurka furuqa Danyeerka (Monkeypox), Bukaanadaan oo lagu arkay calaamadaha cudurka ayaa la dhigay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen Ilo wareedyo…

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in laba ka mid ah Bukaanadaasi ay yihiin kuwa ku sugnaa magaalada Muqdisho, halka qofka kale uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika, waxaana ku socda Bukaanadaan baaritaan, oo ay si wadajir ah iskaga kaashanayaan Khubaro Caafimaad oo ka kala socda Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Wararka ayaa sheegay in Saddex Bukaan laga qaaday tijaabo caafimaad oo shaybaar ah, waxaana la sugayaa natiijada kasoo baxda, iyadoo Sawir laga soo qaaday Bukaan ka mid ah dadka uu soo ritay Cudurkaan oo la baahiyey ayaa muujinaya nabarro badan oo ka soo baxay qofkaas jirkiisa, waxaana lagu wadaa in dowladda Federaalka ay war kasoo saarto, kadib markii ay soo dhamaadaan baaritaano socda oo ay ka qeyb qaadaneyso WHO.

193690cookie-checkBukaano Looga Shakisan yahay Cudurka Danyeerka Oo La Dhigay Isbitaal
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com