Amaro Wadajir Oo Lagu Rogay Magaalada Gaalkacyo

Health

Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay Gaalkacyo ayaa si wadajir u sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo.

Amarkan la xiriira xaalada deg deg ah ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19.

Shirkooda ayay ku sheegeen in xalay laga bilaabo bandow lagu soo rogayo Gaalkacyo shacabkuna u hogaansamaan amarada ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan Maamulka Gobolka Mudug.

Bandowga ayaa ah mid bilaabanayay caawa 8:00 fiidnimo illaa 5:00 aroornimo, waxaana inta uu socdo mamnuuc ah isu imaatanka bulshada goob kasta iyadoo amarkan ay si wadajir iskaga kaashan doonaan fulintiisa ciidamada Puntland iyo Galmudug.

28830cookie-checkAmaro Wadajir Oo Lagu Rogay Magaalada Gaalkacyo