Fadhigii Baarlamaanka Puntland oo loo Baajiyay Sababo Amaan & Qaxa Shacbiga..

Somalia news

Waxaa aad u kordhay cabsida laga qabo in Dagaal uu dib uga qarxo Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso kadib markii saacadihii ugu dambeeyay Qaxa Shacbiga & Shisheeyaha laga dareemay, Dugsiyada Waxbarashada la xiray, iyadoo dhinacyada isku haya Siyaasada ay wadaan abaabul Maleeshiyaad iyo hub uruursi…

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta loo balansanaa inuu ansixiyo Shuruucda doorashada lagu muransan yahay iyo wax-ka beddelka Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo Maamulka Deni soo gudbisay la joojiyay ilaa Khamiista soo socota (23-ka) bishaan, sababo la xiriira Amniga magaalada iyo Qaxa oo saameeyay xildhibaano badan.

📸 Look at this post on Facebook https://www.facebook.com/100005882108905/posts/pfbid033yG72w5VJsVxxgsAC7bJsZjQweXBpxWvps4F6iBp3XtQAXDkLmiq8P9Vnp8fq6dGl/?d=n&mibextid=WC7FNe

Xogaha ayaa xaqiijiyay in Hey’adaha UN-ka iyo kuwa Samafalka ay kala baxeen Magaalada Shaqaalahooda iyo Gaadiidkooda kadib markii ay kordheen qulqulka Gadiidka iyo Maleeshiyaadka dagaalka, taasoo laha dheehan karay saansaan colaad, iyadoo Kooxaha Mucaaradka ay ku eedeeyeen Dalka UAE iney qeyb ka tahay hurinta Colaada dhinacna la safatay.

Dhanka kale, waxaa maalintii 3-aad dagaal beeleed uu ka socdaa degaanka Sheerbi oo ka tirsan Degmada Qardho, kaasoo u dhaxeeya laba beeleed oo degaanka wada dega, Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 3-Ruux ay ku geeriyoodeen dagaalka socda halka in ka badan 5-kalena ku dhaawacmeen, waxa xaniban isu socodka Gaadiidka Rakaabka ah iyo kuwa Xamuulka Ganacsiga qaada ee laamiga dheer kadib markii uu saamayn ku yeeshay dagaalka Sheerbi.

288450cookie-checkFadhigii Baarlamaanka Puntland oo loo Baajiyay Sababo Amaan & Qaxa Shacbiga..