Maxaa Hogaanka Villa Somalia ka Hortaagan Magacaabista Wasiirka Arrimaha Dibeda…

Somalia news

Dowlada Federaalka ayaa xiligaan ku jirta Dagaal-Diblomaasiyadeed ugu adkaa intii ay xornimada Dalku heysatay, waxeyna wahajeysaa Ethiopia oo ay ka dhaxeyso Taariikh Dhul/dagaal oo soo tixnaa sanado badan, Maamulka Abiy ayaa muddo 7-sano xusul duub ugu jirtay sidii ay u heli laheyd Dekad ay Maamulato culeysyna ku daartay Maamuladii isaga dambeeyay iney oggolaadaan….

Ethiopia ayaa Gobolada Bay & Bakool ee Somalia ka jooga ciidamo lagu qiyaasay 20,000 (ATMIS iyo Non ATMIS), Ciidamadaan ayaa muhiim u ah la dagaalanka kooxaha Argagixisada kana difaacaan magaalooyinka muhiimka ah ee labadaasi gobol, khabiiro badan ayaa u arka iney la yaaban yihiin Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed oo ay caro la iloobaan dhiiga ay Ethiopia ku bixisay inkastoo Dhaqaalaha iyo oggolaashaha ay Dalka ku soo galeen ay bixisay Golaha Amaanka QM kana qaataan magta Askarta iyo Qalabka ay ku howlgalaan.

Maamulka Addis abeba ayaa Sanadaha kor u qaaday xusul duub ay ugu jiraan iney qeyb ka hesho Degasnada ku teedsan xeebaha Somalia xoog iyo xeeladba, markii ay furi weysay Madaxda Dowlada Federaalka ay u wareegsatay Maamulada Gobolada gaar ahaan Maamulka Somaliland kana saxiixatay Qoraal Is-fahan, inkastoo uusan ku qancin Nidaamka Federaalka 33-sano sheeganaayay inuu ka go’ay Dalka intiisa kale sifo aan sharci aheyn.

Dowlada Federaalka iyo Dagaalka Diblomaasiyada

Ayaan darro Maamulka Villa Somalia ayaa xiligaan adag ee dagaalka siyaasadeed iyo Diblomaasi kula jirto Ethiopia ayaan laheyn Wasiir Arrimo Dibadeed, iyadoo talabadaan ay ka dhigan tahay in xiligaan adag ay kaga dhigan tahay in Dalal badan u arkaan inuusan dagaalku (Xasan Sheekh) dhab ka aheyn, iyadoo la yaqiinsan yahay in Siyaasada Arrimaha Dibada aysan ka bilaaban Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa, waana muhiim inuu jiri Wasiir Arrimo Dibedeed oo xiriirka Caalamka oo fariinta Dowlada u dhiibi kara Dalalka Caalamka.

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamaya in Kulan ay Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ay yeeshaan ku soo hadal qaadeen sidii isku shaadheyn guud loogu sameyn lahaa Golaha Wasiirada iyadoo ay hadda laba wasaaradood ay banaan yihiin, ku darsoo waxaa qabyo ah Maahruuca wax ka bedelka Dastuurka oo Xikdhibaano badan ay xusul duub ugu jiraan iney helaan xilal Wasiiro, Wasiiro Dowlo iyo Kuxigeeno.

298720cookie-checkMaxaa Hogaanka Villa Somalia ka Hortaagan Magacaabista Wasiirka Arrimaha Dibeda…