Amnesty Oo Warbixin ka soo Saartay Tacdiyada Shaqaale ee Sacuudiga..

Africa News Security

Warbixin wel wel xambaarsan oo Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ka soo saartay tacadiyada dhanka ka ah Shaqaalaha Guryaha ka shaqeeya (Domestic workers) ee u dhashay Dalka Kenya kuwaasoo ka xoogsada Dalka Sacuudiga Arabia..

Warbixinta ayaa lagu xusay In ka badan 70 Haween Kenyan ah ayaa la diiwaangeliyay dhibaatada ka qabsatay waayo-aragnimadooda naxdinta leh ee ka shaqaynta guryaha ee Sacuudi Carabiya, qoraalkaan cusub oo Talaadadii la soo saaray ayaa muujisay in xadgudubyo xoogan loo geystay Shaqalahaani.

Shaqaalahaan ayaa qaarkood jirdilo loo geystay, halka kuwo kale la sheegay in loo diiday Maalmaha nasashada, iyagoo lagu qasbay iney ku shaqeeyaan xaalad ka baxsan xuquuqda aadanaha ku darsoo loo diiday Mushaarkoodii ama la siiyo mid ka hooseeya qandaraaskii ay saxiixeen iyo kuwo saacdo dheeraad ah lagu shaqeeyo.

Hey’adda Amnesty ayaa waxay ku boorinaysaa Dawladaha Kenya iyo Sucuudiga inay kordhiyaan ilaalinta shaqada shaqaalaha guryaha, Maxkamadaynta loo-shaqeeyayaasha iyo inay mamnuucaan hay’adaha shaqaaleysiinta ee ku lug leh dhiig-miirashada, Kooxda xuquuqul insaanka ayaa ku qiyaastay in ka badan 150,000 oo Kenyan ah iney ka shaqeeyaan guraha Dalka Sacuudiga.

372480cookie-checkAmnesty Oo Warbixin ka soo Saartay Tacdiyada Shaqaale ee Sacuudiga..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *