Qaarada Africa & Dhaqanka Dhaxalka Xilka Madaxtinimada

Africa News

Qaarada Africa ayaa waxaa weli ku sii dambeeya Dhaqanka Kali-talisnimada iyo Wiilasha ay aabahood ka dhaxlaan Kursiga, waxaana sabab u ah Shaqsiga xilka haya oo muddo Dheer iska fadhiya iyo Horumar La’aanta dalkaasi nasiibka u yeesha..

Madaxweynaha Congo-Brazzaville Denis Sassou-Nguesso ayaa wiilkiisa Denis-Christel u magacaabay inuu noqdo gole wasiiro – tallaabadaas oo soo nooleysay hadal heyntii warbaahinta ee ahayd inuu talada dalka uu ku ka dhaxlo wiilkiisa.

Hase yeeshe, haddii Denis-Christel uu aakhirka uu gashado kabaha aabihiis, tani waxay xaqiijin doontaa la jaanqaadida Congo-Brazzaville oo leh qaab ku sii kordhaya bartamaha Afrika.

Dalka deriska la ah ee Gabon waxaa madaxweyne ka ah Ali Bongo Ondimba waxaa dhalay Cumar Bongo, oo xukumayey sanadihii 1967 ilaa 2009, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Joseph Kabila uu xukumayey 17 sano ka dib markii uu bedeley aabihiis la diley Laurent-Désiré oo madax ka noqdey dalka 2001.

Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang – oo xukunka hayey tan iyo markii uu bedelay Francisco Francisco Macías Nguema, oo ah madaxweynihii ugu horeeyey ee wadanka, kadib 1979 – wuxuu durba u magacaabey wiilkiisa, Teodoro Nguema Obiang Mangue, madaxweyne ku xigeen, booska ugu sareeya si uu ula wareego.

Ka dib markii uu madaxweynaha Chad Idriss Déby uu u dhintay bishii hore – sida la sheegay dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalkii ay la galeen fallaagada – wiilkiisa Mahamat, oo ah afar xiddigle ciidan ah, ayaa si dhakhso leh ugu soo baxay hoggaanka golaha millatariga ee ku meel gaarka ah.

Sidoo kale, Uganda waxaa lagu arkayaa baraha bulshada warar muujinaya in Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha dalka Yoweri Museveni, inuu yahay musharax xisbiga talada haya doorashada soo socota ee 2026.

Jeneral Muhoozi Kainerugaba ayaa ka qalin jabiyay Akadeemiyada Milatariga ee Boqortooyada Ingiriiska Sandhurst sanadkii 2000.

121910cookie-checkQaarada Africa & Dhaqanka Dhaxalka Xilka Madaxtinimada