Ethiopian Airlines Oo Beenisay Inay Hub Iyo Askar U Rartay Aagaga Dagaalka

Africa News

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa maanta gaashaanka ku dhufatay eedeyn la xiriirta inay hub iyo Ciidamo u daabushay Gobolka dagaaladu ka socdo ee Tigrayga Ethiopia, eedeynta ayaa la sheegay iney ka soo yeertay Xoogaga Mucaaradka ku ah Dowladda Ethiopia…

Shirkadaan oo ah mid ay Dowladdu leedahay ayaa waxba kama jiraan ku tilmmaantay dhawaaqyo soo baxayey oo dhex xulayey baraha warbaahinta bulshada oo ku eedaynayey Ethiopian Airlines inay ku lug yeelatay dagaalka sagaalka bilood ka socday Waqooyiga Ethiopia.

“Ethiopian Airlines waxay si adag u diidan tahay dhamaan eedaymaha aan sal iyo baar toona lahayn ee dhex wareegaya baraha bulshada, ee sheegaya in diyaaradu ay hub iyo ciidan u daabushay gobolka Tigrayga”. Ayeey ku qortay barteeda Twitter-ka.

132550cookie-checkEthiopian Airlines Oo Beenisay Inay Hub Iyo Askar U Rartay Aagaga Dagaalka