Ma Dhabaa in Lagu Heshiiyay Qeybsiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka

Somalia news

Inkastoo wadahadalo hoose iyo gorgortan muddo soo jiitamaayay ay wada yeesheen Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada, ayaa waxay u badan tahay in is afgarad laga gaaro Qodobada muddo kordhinta maamulada iyo qaybsiga khayraadka dabiiciga ah oo qayb ka ah Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Villa Madaxtooyada dabacsanaan u muujisay Maamulada gaar ahaan Daniga ee Puntland oo dooda muddo kororsiga ku bedeshay qaybsiga khayraadka, waxaana la sheegay in qodobada ku aadan Shidaalka ee Puntland aad loogu dabcay, waxaa ka mid ah.

-In dib u eegis lagu sameeyo Qodobo ka mid ah heshiiskii Baydhabo.

-In Puntland keensato Shirkada samaynaysa Xogta Shidaal ee Xeebaheeda, iyadoo heshiiska oggolaasho iyo in la marsiinayo nidaamka Fadaraaliga ah.

-In Xubin loogu daro Gudiga Shidaalka Qaranka.

Waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay wada fariisan doonaan Wasiirada Shidaalka soona saari doonaan is afgarad loo gudbin doono Madaxweynayaasha , iyadoo uu Mr.Dani u diyaarisay buuxinta booskeeda Gudiga Shidaalka Gabar.

221770cookie-checkMa Dhabaa in Lagu Heshiiyay Qeybsiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com