Ansixinta Heshiiska Doorashada Iyo Kooxda Hortaagan

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Koox Xildhibaano oo Diidan in la ansixiyo Heshiiskii 15-qodob ka koobnaa ay wada gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, kaasoo lagu wado in Maanta lagu ansixiyo Fadhiga Xildhibaanada….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo 25-Xildhibaan ay kasoo horjeesteen heshiiska laga gaaray doorashada ee la filayo in berri la horgeeyo labada Aqal ee Baarlamanka, sida ay sheegeen ilo-wareed, kooxdaan ayaa qorsheyneysa iney carqaladeeyaan in ansixinta heshiiska lana fashiliyo.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey waday dadaallo ay ku qancinayaan Muudey inuu taageero heshiiska, kuwaasi oo weli aan lagu guuleysan.

Mr.Muudey ayaa la rumeysan yahay in weli uu ku dhegan yahay qorshaha muddo kordhinta, iyadoo sababtu ay tahay inuu ka cabsi qabo inuu soo laaban waayo.

62950cookie-checkAnsixinta Heshiiska Doorashada Iyo Kooxda Hortaagan