Ma Dhabaa In Qalab Lagu Dhageysto Isgaarsiinta La Keenay Muqdisho

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in Dhawaan laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho Qalab Isgaarsiineed Oo Loogu talo galay in lagu dhageysto Talefoonada iyo noocyada khadadka Internet-ka, waxaana la dhigay dhisme ku dhex yaal Madaxtooyada Villa Somalia…..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Adeege Fahad Yasin alias (Abu Muslim Al KHORASANI), uu ka soo qaaday Garoonka Diyaaradaha diyaarad khaas ah oo keentay Qalabkaan lagu dhageysto telefoonada laguna ogaado fariimaha laga diray oo loo yaqaano “IMSI CATCHER” waxayna wararku sheegayaan in ay qalabkaas ugu deeqday dowladda Qatar.

Qalabkaan ayaa la sheegay inuu u sahli doono in la dhageysto Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Internet-ka Sida Facebook, Massenger, Whatapp-ka,Viber, Snapchat, Skype, Zoom-ka iyo kuwa Qaar kale, waxaana loogu talo galay in la la socdo Dhaqdhaqaaqa Shacbiga iyo Kooxaha Mucaaradka.

Waxaana la socda Khubaro Mareykanka iyo Qatar ah oo gacan ka siinaayo Tababarada xubno Dhalinyaro ah oo k tirsan Xoogaga Taabacsan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, kuwaasoo Loo xulay iney howlahaan qabtaan.

43790cookie-checkMa Dhabaa In Qalab Lagu Dhageysto Isgaarsiinta La Keenay Muqdisho